Ururka Al-Shabaab oo weerar xoogan ka geestay degmada Ijara ee ismaamulka Garissa

Dabley la aaminsan yahay in ay ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar qasaare u geystay dad rayid ah duhurnimadii maanta ka geestay wadada xiriirisa deegaanka Sangailu iyo magaalada Haluuqo ee ka tirsan degmada Ijara ee Koonfurta ismaamulka Garissa.


Gaariga la weeraray oo nuuciisu ahaa kuwa gurmadka deg dega ee loo yaqaan Ambulance-ta ee wasaarada caafimaadka Garissa ayaa waxaa saarnaa dad xanuunsan oo loo waday magaalada Halugho.


Tuulada qaraxa lagula eegtay gaariga ayaa waxaa lagu magacaabaa Qoranhindi, waxaana ay u dhaxeysaa waaxda Sangailu iyo magaalada Halugho.


Weerarka oo ahaa miinada lagu aaso wadada qarkeeda ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay sadax ruux oo rayid ah oo uu ka mid ahaa darawalka kaxeynayay gaariga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daahir.


Gaariga la weeraray ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay tiro kale iyadoo sidoo kale miinada ay burburisay gaariga, sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo Qaaday.


Saraakiisha amniga Kenya ee Ismaamulka Garissa ayaa howlgalo xoogan ka wada aagaasi iyadoo dadka ku dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka dhexe ee magaalada Garissa.


Falkaan ayaa ku soo aadaya 24 saac kadib markii maalintii shalay dabley hubeysan ay ku weerartay ay weerartay leeyihiin laamaha amniga Kenya oo howlo roondo ah ka waday degmada Fafi.

Faallooyin