Al-Shabaab oo dhowr dagaalyahan looga dilay dalka Kenya

Lix latuhme oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Jirole oo ka tirsan Ismaamulka Garissa xilli hore ee
Jimcaha Maanta.

Isku duwaha dhanka amniga Kenya u qaabilsan gobolka waqooyi bari Mr Nicholas Ndalana, ayaa xaqiijiyay dhimashada dagaalyahanadan isaga oo intaa raaciyay in dagaalyahan kale ay gacanta ku hayaan ciidanka Amniga.

Mr Ndalana ayaa intaa raaciyay in dagaalyahanka ay hayaan uu qabo dhaawac ka soo gaaray howlgalkan, ayna daweynayaan si uu ugu fududeeyo baaritaano la xiriira qorshayaasha Al-Shabaab.


Sargaalkan ugu sareeya ciidanka amniga Kenya ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahan kale oo dhaawac qaba uu ka baxsaday howlgalka aroornimadii hore ee saaka ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Jiroole, walow baadi goob ay ugu Jiraan.


Arintaan ayaa keentay cabsi xoogan oo soo wajahday dadka deegaankaasi oo ka baqaya dhibaato Kale.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa laba maalin uun kadib markii ururka Al-Shabaab ay sadax qof ku dileen weerar ka dhacay Ismaamulka Mandera.

Sadexdii bil ee ugu horeysay sanadkaan oo aynu ku guda jirno bisha Maarso ayaa 16 weerar waxay ka dhaceen ismaamulada Garissa Wajeer Mandera iyo Lamu oo dhanka xadka la wadaaga Dalka.

Weeraradaan ayaa waxaa ku dhintay 20 qof oo u dhashay Kenya oo badnaa dadka ka soo jeeda gobolada kale ee Dalkaasi.

Faallooyin