Deg:Deg Kenya oo laga helay bukaan qaba caabuqa Corona

Wasaarada caafimaadka Kenya ayaa xaqiijisay Jimcaha maanta in la helay bukaankii ugu horeeyay ee qaba caabuqa Corona oo dhibaato ba,an ku haya guud ahaan Caalamka.

Kadib shir Jaraa'id oo wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ku qabtay magaalada caasimada ah ee Nairobi ayuu ku xaqiijiyay in bukaanka ay tahay haweeney u dhalatay dalkaas oo ka timid Mareykanka ka hor inta aysan soo marin magaalada London.

Mr Kegwa ayaa intaa raaciyay in haweeneydan xaaladeeda ay tahay mid wanaagsan ayna cuntada qaadaneyso, balse ay ku jiri doonto isbitaalka inta uu cudurkaan Hayo.

Wuxuu tilmaamay in bukaanka ay hada ku sugan tahay isbitaalka Kenyatta gaar ahaan qeybta ka hortagga cudurada Faafa.

Dowlada Kenya ayaa dhanka kale wada dadaalo ay ku baadi goobeyso dhamaan dadkii ay la kulantay haweeneydan oo magaalada Nairobi ka soo cagadhigatay habeenimadii Arbacada.

Wasiirka caafimaadka Kenya Muthai Kegwa ayaa ugu danbeyn soo saaray amaro badan oo ay ka mid tahay in la yareeyo goobaha ay bulshada isugu timaado in aan la booqan karin xabsiyada 30 cisho ee soo aadan iyo xanibaad dhanka safarada dibada marka laga reebo kuwa lagama maarmaanka u ah bulshada iyo madaxda Kenya.

Faallooyin