Hey,ada cuntada aduunka oo ka digtay abaaro ku dhufta wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya

Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada ee loo yaqaan FAO ayaa ka digtay abaaro baahsan oo ku dhufta Soomaaliya iyo dalalka kale ee dariska ah ee dhaca bariga Afrika.

Digniinta ayaa loo sababeynayaa cayayaanka Ayaxa ee ku habsaday dalalka Soomaaliya Kenya Itoobiya Suudaan iyo Erirea tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2018-ka.

Warbixinta FAO ayaa loo sababeynayaa in wali ay jirto cabsi baahsan oo laga qabo cayayaan kale ku habsado Dalalkaan.

Ayaxa oo lagu qiyaaso malaayiin ayaa dalka kaga soo talaaba dhanka Yemen ka hor inta uusan u gudbin wadamada dariska ah gaar ahaan Kenya.

Meelaha qaar oo horay ayaxa uu ugu habsaday ayaa hada waxaa ka dhashay Ayax badan kadib ukumo horay ay u dhigeen Ayaxii hore sida ay sheegtay FAO.

Faallooyin