Ra'isul Wasaaraha Canada oo xaaladiisa caafimaad cabsi laga Muujinayo

Xafiiska ra'isul wasaaraha Canada Mr Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay Khamiista maanta ah in ra'isul wasaaraha u qaatay go,aan nafsi ah oo isku Karantiilay.

Arintaan ayaa timid kadib markii xumad ay soo wajahday xaaska ra'isul wasaaraha oo lagu magacaabo Sophie Gregoire kadib socdaalka ay kaga soo laabteen UK.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Trudeau Khamiistan ayaa lagu xaqiijiyay Arintaan iyadoo haweeneyda u dhaxda ay dareemeyso qandho sidaa aan u Badneyn.

Warka ayaa intaa ku daraya in ra'isul wasaaraha Canada laftiisa uu maray baaritaano la xiriira caabuqa Corona oo natiijadiisa la Sugayo.

Dhaqaatiirta Mr Trudeau ayaa kula taliyay baaritaanka in uu maro iyadoo dhankiisa uu go,aansaday in uusan u bixin dibada ilaa xaaladiisa la Hubinayo.

Tani ayaa ka dhigan in shaqada uu ku sii wadan doono guriga ilaa iyo waqti danbe aan la Shaacin.

Faallooyin