Mas,uul kulan la qaatay Donald Trump oo laga helay caabuqa Corona

Sargaal sare oo ka titsan dowlada Brazil oo ka mid ahaa wafdi qeybgalay kulan uu madaxweyne Donald Trump la qaatay xubno ka socda dalkaasi oo ka dhacay magaalada Florida ayaa laga helay caabuqa Corona.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Khamiista maanta xubno ka tirsan wasaarada caafimaadka Brazil.

Mas,uulka oo magaciisa lagu sheegay Fabio Wajngarten ayaa ah agaasimaha warfaafinta madaxweyne Jair Bolsonaro.

Mr Wajngarten ayaa bartiisa uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu soo dhigay isaga oo sawir kula jira madaxweyne Trump, kadib sabtidii kulan ka dhacay magaalada Florida.

Dhanka kale iyada oo uu sii kordhayo caabuqa cudurkaan caalamka faraha ba,an ku hayo ayaa hogaamiyaha Mareykanka wuxuu diiday in uu qabo caabuqa Corona kadib kulanka uu la yeeshay xubnaha ka socda Brazil.

Faallooyin