Madaxweyne Erdogan oo ka digay dagaal ka qarxa gobolka Idlib

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in dhiggeeda Ruushka ay ka fileyso in talaabo ay u qaado xadgudubyada yar yar ee ka jira gobolka Idlib, todobaad uun kadib markii Moscow iyo Ankara ay gaareen heshiis xabad joojin ah si loo dajiyo Xiisada.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ka digay in la beegsado Milatariga Turkiga, isaga oo wacad ku maray in jawaab waafi ah ay siin doonaan ciidanka Suuriya hadii ay soo Weeraraan.


Xukuumada Ankara ayaa ciidan xoogan u daabushay dhamaadkii sanadkii hore gobolka Idlib, si ay uga sifeeyaan maleeshiyada Kurdida.

Tan iyo wixii xiligaa ka danbeeyay waxaa kordhay qilaafka u dhaxeeya labada dal,  iyadoo maamulka Bashaar Al-Assad ku eedeeyay Turkiga in uu taageerayo kooxaha Argagixisada ee ku sugan Gobolkaasi.

Arintaan ayaa dhalisay gacan ka hadal toos ah oo dhaxmaray labadii bil ee la soo dhaafay ciidanka labada wadan waxaana ku dhintay askar ka tirsaneyd milatariga Suuriya iyo Turkiga.

Sanadkii 2018-ka ayaa Turkiga iyo Ruushka waxay isla gaareen heshiis la xiriira iskaashiga amniga si aag ka caagan colaada looga yagleelo gobolka Idlib.

Faallooyin