Bukaan u xanuunsanaa caabuqa Corona oo ku dhintay Sweden

Wadanka Sweden ayaa laga soo tabinayaa in bukaankii ugu horeeyay qaba caabuqa Corona uu u dhintay Arbacada Maanta.

Qofka dhintay oo ahaa ruux da' weyn ayaa ku jiray qeybta gargaarka deg dega ee ICU-da ee isbitaalka gobolka Stockholm.

Bukaanada caabuqa Corona ee dalka Sweden ayaa gaartay 460 qof, iyadoo dalkan ku yaal qaarada Yurub laga helay qofkii ugu horeeyay dhamaadkii bishii Janaayo.

War saxaafadeed ka soo baxay waaxda caafimaadka Sweden ayaa lagu sheegay in 19 maalin uu hayay caabuqa Corona bukaanka Dhintay.

Faallooyin