Abiye Axmed oo u hanbalyeeyay ciidanka Itoobiya ee dagaalka la galay kuwa Soomaaliya sanadkii 1977-dii

Ra'isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa hanbalyo u diray ciidanka Itoobiya ee dagaalka la galay kuwa xooga dalka sanadkii  1977-dii.

Mr Abiye ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka ay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray Dalkooda.

Warkaan ayaa waxaa lagu daabacay wakaalada wararka Itoobiya ee FANA iyadoo xaflad lagu weyneynayo ee ka dhacday Itoobiya.

Inkastoo la ogyahay in dagaalkii 1977-dii jab xoogan ay ciidanka Soomaaliya ku gaarsiiyeen kuwa Itoobiya, ayaa hadane aqoonyahanada Soomaaliyeed waxay hadal mala' waal ah ku tilmaameen warka Abiye Axmed.

Ilaa hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda dowlada maadaama hogaamiyaha Itoobiya uu ku hadaaqay hadal ka dhan ah ciidanka Soomaaliyeed ee dagaalkaa qeybta ka Ahaa.

Faallooyin