Cabsi laga muujinayo in caabuqa Corona uu ka dilaaco gobolka Waqooyi Bari Kenya

Wasaarada caafimaadka Kenya ayaa cabsi ka muujisay caabuqa Corona in ay u nugul yihiin 14 ismaamul oo ku yaal Dalkaasi.

Cabsidan ayaa ku saleysan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo ku badan Maamuladaan.

Magaalooyinkan ayaa waxay kala yihiin Nairobi, Mombasa, Kisumu, Kiambu, Uasin Gishu, Kajiado, Busia, Migori, Kilifi, Kakamega, Kajiado, Nakuru, Wajir iyo Garissa.

Madaxa wasaarada caafimaadka Kenya u qaabilsan ka hortagga cudurada Dr Daniel Lang'at, ayaa Khamiista maanta ah u xaqiijiyay warbaahinta in ay u diyaar garoobeen caabuqa Corona.

Kenya oo xiriir wanaagsan la leh Shiinaha ayaa wali waxaa ka daga duulimaadyada ka yimaada magaalada Beijing, taasi oo shaki weyn galisay Shacabka.

Faallooyin