Cabsi laga muujiyay weeraro Argagixiso oo ka dhici kara dalka Kenya

Safaarada Mareykanka ee magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa ka digay weeraro argagixiso oo ka dhici kara caasimada Kenya.

War kooban oo lagu baahiyay bogga Internet-ka ay ku leedahay safaarada khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in goobaha la beegsan karo ay ka mid tahay yihiin, hoteelada waaweyn xarumaha dalxiiska iyo Suuqyada Ganacsiga.


Safaarada Mareykanka ayaa dhanka kale ku boorisay dadka rayidka ah ee tagaya goobahaasi in digniin dheeri ah ay Muujiyaan.

Hadii aad ku sugan tahay hoteelada waxaad isku daydaa sidii aad ku baxsan laheyd hadii dhibaato dhacdo ayaa lagu yiri digniinta Mareykanka.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka Kenya weeraro Argagixiso ay ka dhacayeen sanadihii ugu Danbeeyay.

Ururka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka ayaa sheegtay mas,uuliyada Weeraradaasi.

Faallooyin