Madaxweynihii hore ee Masar oo Geeriyooday

Madaxweynihii ugu mudada dheeraa ee soo maray dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa talaadada maanta ah ku geeriyooday isbitaalka Milatariga Galaa ee magaalada Qaahira.

Geerida mr Mubaarak oo ahaa 91 sano jir ayaa waxaa warbaahinta u xaaqijiyay Janaraal Muniir Thaabit oo la hooyo ah madaxweynihii hore ee Masar.

Sargaalkan oo mar soo noqday taliyihii ciidanka Masar ayaa wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha qoyska ay ku sugan yihiin isbitaalka uu ku geeriyooday Mubaarak.

War kooban oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada Masar ayaa lagu xaqiijiyay in ay socoto qaban qaabada aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee Dalkaas.

Mr Xusni Mubaarak oo talada qabtay sanadkii 1981-dii ayaa kacdoon dadweyne xilka uga dagay sanadkii 2011-kii kadib dibadbaxyo hareeyay dalalka Carabta.

Faallooyin