Ururka Al-Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gobolka Waqooyi Bari Kenya

Shacabka ku dhaqan koonfurta Ismaamulka Garissa ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarada Al-Shabaab ee ku sii badanaya gobolka waqooyi Bari.

Habeenimadii xalay ayaa maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Korisa oo hoos yimaada magaalada Masalani.

Dableyda ayaa gubay laba ka mid ah gaadiidka ka shaqeeya dhismaha wadooyinka ee ay lahaayeen dadka Deegaanka.

Weerarkaan ayaa dhanka kale waxaa lagu gubay dhowr guri iyo iskuulkii deegaanka, sida ay Universal u xaqiijiyeen mas,uuliyiinta laga soo doortay Aagaasi.

Shacabka ku nool degmada Ijara iyo Fafi ayaa qarka u saaraan in ay ka qaxaan deegaanadooda, maadaama xarumihii dowlada ee aas aasiga u ahaa adeegyada bulshada Albaabada la isugu Laabay.


Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labadii bil ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka waqooyi Bari Kenya.

Faallooyin