Madaxweynaha Mareykanka oo socdaal uga bilowday dalka Hindiya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka cayaaraha cricket-ka ee Mega ee dalka Hindiya oo booqasho rasmi ah uu ku Marayo.

Safarka Trump ayaa ku soo aadaya, iyadoo Washington iyo xukuumada Delhi oo ah wadanka shanaad ee ugu dhaqaalaha badan ay mudooyinkii la soo dhaafay uu ka dhax taagnaa qilaaf dhanka Ganacsiga.

Inkastoo Mareykanka uu walaac ka muujinayo ku tiirsanaan Hindiya ee hubka difaaca Shiinaha, ayaa hadane waxaa kulanka labada hogaamiye diirada lagu saari doonaa xiisada ka taagan gobolka Kashmiir iyo qalalaasaha ka dhashay sharciga cusub ee Muwaadinka ee sanadkii hore ay meel marisay xukuumada Modi.

Trump oo ay wehlineysay xaaskiisa Malenia halka uu ku duugan yahay halgamaagii Hindiya Mahatma Gandhi.

Mar uu warfidiyeenada kula hadlayay guriga uu ra'isul wasaare Modi ka dagan yahay deegaanka Gujarat ayuu sheegay in shacabka Mareykanka ay jaceyl u hayaan muwaadiniinta Hindiya.


Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in labada dal ay qalinka ku duugaan heshiisyo cusub oo dhaxag gal u ah kobaca Dhaqaalaha.

Faallooyin