Diyaaradaha dagaalka Israa'iil oo duqeyn ka geestay magaalada Qaza

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka Israa'iil ka geesteen magaalada caasimada ah ee Dimishiq ee dalka Suuriya.

War saxaafadeed ka soo baxay Isniinta maanta ah ururka Islaamic Jihaad ee dalka Falastiin ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah dagaalyahanadooda lagu dilay weerarka dhacay habeenimadii xalay ee Axada.

Dhanka kale hey,ada u dooda xuquuqda aadana Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa xaqiijisay in afar dagaalyahan oo ka mid ah maleeshiyaadka taabacsan Bashar Al-Assad ee dalka Iiraan ay ku dhinteen Duqeynta.

Madaxa hey,adan oo lagu magacaabo Raami Cabdiraxmaan ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay, in mid ka mid ah dagaalyahanada la dilay uu ahaa muwaadin Suuriyaan ah walow inta kale Bidhaamin Dhalashadooda.

Diyaaradaha Israa'iil ayaa dhanka kale duqeyn ceynkani oo kale ah ka fuliyay magaalada Qaza ee dhulka Falastiin.

Faallooyin