Ciidanka Ilaalada xaduudaha Pakistan iyo Turkiga oo heegan sare la Galiyay

Dalalka Turkiga Pakistan iyo Armaaniya ayaa ku dhawaaqay in ay xireen xadka dalalkooda kadib markii laga helay wadanka Afghanistan bukaano badan oo qaba caabuqa dilaaga ah ee Corona.

Talaabadan ayaa timid kadib markii cudurkan ay dad badan ugu dhinteen wadamo ka baxsan Shiinaha gaar ahaan talyaaniga Iiraan iyo koonfurta Kuuriya.

Dhanka kale madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in in cudurkaan uu yahay kii ugu darnaa ee soo mara Dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee dhimashada caabuqa Corona ayaa gaartay 2,442 halka isbitaalada la dhigay 76,936 oo ruux, sida ay sheegayaan warbixinadii ugu danbeeyay ee Axada Maanta.

Faallooyin