Inkabadan toban hablood oo lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay xaafada Islii

Laamaha booliska ee magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo badbaadiyay 11 hablood oo afduub loogu heestay dhismaha Ushirika ee ku tirsan xaafadaha Islii ee degmada Kamakunji.

Dumarkan oo da'dooda u dhaxeyso 23 30 jir ayaa ahelkooda ka maqnaa in mudo ah, waxaana loo sheegay in loo wadi doono wadamada carabta ama dalalka reer Galbeedka.

Waaxda danbi baarista Kenya ee loo yaqaan DCI da ayaa barta ay ku leeyihiin Twitter-ka goor dhow ku soo qoray in ay soo qabteen laba nin oo lagu kala magacaabo Thabit Hanni Yasiin Radmaan iyo Faren Yassin Radmaan.

Raggaan oo iyagana ka kireystay hal qol dhismaha Ushirika ayaa la aaminsan yahay in ay heesteen Haweenkan.

Taliska ciidanka booliska Pangani ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in arintaan ay ku soo wargaliyeen shacabka ku dhaqan xaafada Islii.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hada lama sheegin haweenkan qowmiyadaha ay u dhasheen, inkastoo wararka ay Universal heleyso ay sheegayaan in dumar Soomaaliyeed ay ku Jiraan.

Faallooyin