Ururka Islaamig Jihaad oo fariin adag u diray milatariga Israa'iil

Ururka Islaamic Jihaad ee dalka Falastiin ayaa si adag uga hadlay tacadiga ciidanka amniga Israa'iiil bilihii la soo dhaafay ka wadeen magaalada daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Xoghayaha guud ee ururka Islaamic Jihaad Mr Zaacid Al-Nakhala oo ka hadlayay magaalada Gaza ayaa sheegay in tacadiyada Israa'iil aysan cabsi gali doonin shacabka Falastiin.

Mr Saacid ayaa intaa ku daray in aysan ka tanaasuli doonin xuquuqdooda ayna diyaar u yihiin in ay u Dhintaan.

Mr uu soo hadal qaaday heshiiska nabada ee bariga dhexe ee madaxweyne Trump ayuu ku tilmaamay mid washington ay ugu garbineyso gumeysiga Israa'iil.

Ugu danbeyn wuxuu uga digay milatariga Israa'iil in aysan harsan doonin inta ay heestaan dhulka Falastiin.

Faallooyin