Turkiga oo digniin kama danbeys ah u diray dowlada Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay in howlgal balaaran ay ka bilaabi doonaan gobolka Idlib dabayaaqada bishan, hadii xukuumada dimishiq ay ku fashilanto in ciidankeeda ay ka fogeyso fariisimaha Milatariga Turkiga.

Mr Erdogan oo ka hadlayay arbacada maanta ah xarunta Baarlamaanka Turkiga ayaa wuxuu tilmaamay in howlgalka uu yahay mid lagama maarmaan ah dhulkana ay soo dhigi doonaan difaaca ciidanka Suuriya ee ku sugan Idlib.

Waxaan u direynaa digniintii ugu danbeysay waxaan qaadi doonaa go,aan adag oo aan ku difaaceyno ciidankeena ayuu yiri Erdogan.

Dhanka kale dowlada Ruushka oo xulafo la ah Suuriya ayaa ka jawaabtay arintaan waxaana ay sheegtay in hanjabaada Ankara ay ka dhalan doonto xaalad Xun.

Xoghaya warfaafinta aqalka Kremlin ka Mr  Dmitry Peskov, ayaa sheegay in ficilkasta oo ka dhan ah ciidanka dowlada Suuriya ay sii xumeyn doonto xiisada ka taagan gobolka Idlib.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo todobaadkii hore madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in 13 askari looga dilay gantaalo milatariga Suuriya ay ku garaaceen xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka Turkiga.

Faallooyin