Muwaadiniin u dhashay Iiraan oo u dhintay caabuqa Corona

Laba muwaadin oo u dhashay dalka Iiraan ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Qom kadib markii tijaabo lagu sameeyay laga helay caabuqa Carona.

Geerida bukaanadan ayaa warbaahinta Mehr u xaqiijiyay sargaal ka tirsan jaamacada caafimaadka iyo Seynis-ka.

Wasaarada caafimaadka ayaa Iiraan ayaa sheegtay in labada qof oo ahaa rag ay ku jireen, mudooyinkii la soo dhaafay qeybta xaalada deg dega ee loo yaqaan ICU-da.

Xukuumada Tehraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay xilli hore ee arbacada maanta ah in dalkeeda laga helay muwaadiniin qaba caabuqa Corona ee ka dilaacay Shiinaha bishii December ee sanadkii Hore.

Cudurkaan ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka Shiinaha iyo Caalamka.

Faallooyin