Mucaaradka Liibiya oo weerar ku qaaday markab laga leeyahay Turkiga oo ku xirnaa Dekada Tripoli

Mucaaradka hubeysan ee Liibiya oo uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Xaftar ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen markab hub u waday oo ku xirnaa dekada magaalada Tripoli kana yimid dalka Turkiga.


Hadalka Mucaaradka ayaa yimid iyadoo wafdi ka socda dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ay isaga baxeen wadahadalka nabada ee ka socda dalka Switzerland.


War ka soo baxay xukuumada Tripoli ayaa lagu yiri waxaan ka baxnay ka qeybgalka shirka liibiya inaga oo u sababeyneyna weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday dekada magaalada Tripoli.


Maleeshiyada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Xaftar ayaa tan iyo bishii afaraad ee sanadkii hore u hanqal taagaya in ay la wareegaan caasimada dalkan ku yaal waqooyiga Afrika.


Dhanka kale saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga ayaa beeniyay arbacada maanta ah in weerar lagu qaaday markab ay leeyihiin oo hub u waday dowlada Liibiya.

Faallooyin