Aqalka Senatka Mareykanka oo la filayo in uu meel mariyo sharci yareynaya awooda Donald Trump

Golaha aqalka sare ee Senat-ka Mareykanka ayaa diyaariyay qaraar madaxweyne Donald Trump looga hor istaagayo weerar kasta oo ka dhan ah Iiraan.

Xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan ayaa sare u kacday kadib dil qorsheysnaa oo diyaaradaha Mareykanka ku qaarijiyeen horaantii bishii hore, taliyihii ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymaani.

Qaraarka golaha Senet-ka xanibaada uu ku saarayo awooda Trump ayaa walaac looga muujiyay sida arintaan ugu lug yeelatay ciidanka Mareykanka ee ku sugan Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee golaha ayaa la filayaa in saacado kadib ay u codeeyaan in Trump uusan qaadin ficil ka dhan ah Iiraan isaga oo amar ka qaadan aqalka Congress-ka.

Mr Tim Kaine oo u matala aqalka Senet-ka xisbiga dimuquraadiga ayaa u sheegay warfidiyeenada arbacadii shalay in Mareykanka uu diyaar u aheyn dagaal in uu la galo Iiraan.

Faallooyin