Wasaarada Amniga Kenya oo amartay in la tarxiilo Ajaaniib lagu xiray Nairobi

Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang'i ayaa amray in la tarxiilo afar nin oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaasi oo jirdil xoogan u geestay kabalyeeri u dhashay Shiinaha.

Magacyada raggaan ayaa lagu kala sheegay Chang Yueping, Ou Qiang  Yu Ling iyo Hailan.

Eedeysanayaasha oo xabsiga la dhigay 9-kii bishan febraayo ayaa laga soo qabtay maqaayada Chez Wou, ee ku taal xaafada Kileleshwa ee magaalada Nairobi.

Amarka wasiirka amniga Kenya ayaa yimid kadib markii khamiista maanta ah garsooraha, Maxkamada Nairobi Hellen Okwani ay amartay in 15 maalin oo dheeri ah ay ku amartay booliska in Baaritaan Sameeyaan.

Dacwad soo oogayaasha Kenya ee kala ah Jacinta Nyamosi iyo Everlyn Onunga ayaa maxkamada u sheegay in Shiineeskan sharci darro ay ku joogeen Nairobi.

Kabalyeeriga jirdilka loo geestay oo lagu magacaabo Simon Osako ayaa falka lagula kacay waxaan ka carooday shacabka Dalkaasi.

Faallooyin