Dacwad ka dhan ah Imaaraadka oo loo gudbiyay dalalka Mareykanka Turkiga iyo UK

Wadamada Turkiga Ingariiska iyo Mareykanka ayaa laga dalbaday in ay furaan baaritaano ka dhan ah tacadiyo bani aadanimo oo ciidanka Imaaraadka carabta ay ka geesteen dalka Yemen intii u dhaxeysay sanadkii 2015-kii ilaa sanadkii dhamaaday ee 2019-ka.


Hey,ad ka shaqeysa dhanka sharciga oo fadhigeedu yahay UK oo lagu magacaabo Stoke White ayaa booliska Ingariiska iyo waaxyaha garsoorka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga u gudbisay cabasho ka dhan ah saraakiil ka tirsan dowlada Imaaraadka oo mas,uul ka ahaa tacadiyo bani aadanimo oo ka dhacay Yemen.


Sharci yaqaanadan ayaa tusaale ahaan u soo qaatay duqeyn lala beegsaday saxafi lagu magacaabo Abdullah Suleymaan Cabdulaahi Dubaalax sanadkii 2015-kii.


Inkastoo uu badbaaday wariyahaan ayaa hadane waxaa uu ka mid yahay dhibanayaasha eheladooda waxyeelada ka soo gaartay dagaalka sokeeye ee ka taagan dalkan carbeed waxaana ku dhintay walaalkii oo lagu magacaabi jiray Salah Muslem Salem.


Mr Suleymaan ayaa intaa ku daray in loo beegsaday saxafi ahaan weerar dhacay 29-kii December, sanadkii 2015-kii duqeyn diyaaradaha imaaraadka ka geesteen magaalada Seeyuum, balse uu ku dhintay Mr Muslim Saliim.


Si kastaba ha ahaatee hey,ada UK ee gudbisay dacwadan ayaa sheegtay in ay heyso cadeymo muujinaya tacadiyo loo geestay dad rayid ah iyo siyaasiyiin diidan joogitaanka ciidanka Imaaraadka ee ku sugan Yemen.


Lama oga sida ay ka yeeli doonaan wadamada Turkiga Ingariiska iyo Mareykanka dacwada loo gudbiyay oo ah in ay gacanta ku dhigaan sarakiisha Imaaraadka ee eeda loo Jeediyay.

Faallooyin