Madaxweynaha Turkiga oo wacad ku maray in ay weerari doonaan Saldhigyada ciidanka Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wacad ku maray in ay beegsan doonaan xarumaha ciidanka Suuriya hadii waxyeelo loo geesto Milatariga Turkiga ee ku sugan gobolka Idlib.

Mr Erdogan oo ka hadlayay arbacada maanta ah xarunta baarlamaanka ee magaalada Ankara ayaa tilmaamay in ciidankooda ay qaadi doonaan dabayaaqada bishan Febraayo howlgalo ka dhan ah kuwa Suuriya ee ku dhow Fariisimahooda.

Waan sameyn doonaa waxwaliba oo suuragal ka dhigi kara ha ahaato ciidanka lugta ama diyaaradaha dagaalka ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Sanadkii 2018-kii ayaa shir ka dhacay magaalada Sochi ee dalka ruushka ayaa xukuumadaha Ankara Moscow iyo Dimishiq isku raaceen in gobolka Idlib laga sameeyo aag ka caagan colaada oo marti galin kara barakacayaasha Gudaha.

Qorshahan ayaa ujeedkiisu ahaa ka hortaga qaxooti cusub oo ka gudba xadka labada wadan maadaama Turkiga uu la ciirciirayo qaxooti ka badan sadax malyan oo ka cararay colaada Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in 13 askari oo ka tirsan ciidankooda siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka Idlib kadib weerar uga yimid Milatariga maamulka Bashar Al-Assad.

Ugu danbeyn Erdogan ayaa balan qaaday in ay soo ridi doonaan diyaaradaha dagaalka Suuriya hadii ay soo dulmaraan fariisimaha ciidanka Turkiga.

12-kii bishii Janaayo ayay aheyd markii dagaal xoogan oo u dhaxeeya milatariga Suuriya iyo maleeshiyada mucaarada uu ka qarxay gobolka Idlib.

Faallooyin