Mareykanka iyo Kenya oo isku raacay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay u xulatay in ay kala qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada.

Laanta booliska Fedaraalka  Mareykanka ee FBI oo qeyb ka ah dadaaladan ayaa la sheegay in xarun awood u leh baaritaanada ay ka dhisi doonto gudaha Kenya, taasi oo ka caawin doonta xukuumada Nairobi ka hortagga Xagjirnimada.

Shaacintan ayaa imaaneysa kadib kulan todobaadkii hore Madaxweyne Trupm iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ku dhaxmaray aqalka cad ee Mareykanka.

Labada hogaamiye ayaa dhanka kale ka arinsaday heshiis ganacsi oo dhaxmara labada Wadan.

Kenya ayaa noqoneysa dalkii ugu horeeyay ee wadamada Saxaraha ka hooseeya oo wadaxaajood la xiriira heshiis ganacsi la saxiixda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee 42 sargaal oo ka mid ah laamaha amniga Kenya ayaa u duuli doona Mareykanka si ay u soo qaataan tababar soconaya laba bil iyo toban casho kaasi oo la xiriira baaritaanada Argagixisada.

Faallooyin