Isbaheysiga NATO oo shir ka yeelanaya howlgalkooda dalka Ciraaq

Isbaheysiga dalalka reer galbeedka ee loo yaqaan NATO ayaa ka fiirsanaya balaarinta howlaha tababarada oo ay ka wadaan gudaha dalka Ciraaq.

Wadamadan oo hurmuudka u yahay Mareykanka ayaa dagaal kula jira kooxaha Argagixisada gaar ahaan Daacish.

Diblumaasiyiin ka tirsan NATO ayaa sheegay in in ay ka walaacsan yihiin howlgalka tababarka oo ay ka wadaan Ciraaq.

Xoghayaha guud ee NATO
Jens Stoltenberg ayaa sheegay in wasiirada difaaca ee xubnaha ka ah dalalkan ay ka arinsan doonaan mustaqbalka howlgalada ay ka wadaan bariga Dhexe.

Kulankan oo bilaaban doona maalinta Arbacada ee berito ayaa ka socon doona laba maalin ee soo aadan magaalada caasimada ah ee Brussels.

Hadii aan nahay NATO waxaan qaban karnaa waxbadan waxaana ka arinsan doonaa sida kaliya ee talaabadan aan u qaadi laheyn ayuu yiri Stoltenberg.

Kadib dilkii Mareykanka u geystay 2-dii bishii hore ee Janaayo taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani, ayaa waxaa sii kordhayay carada ay shacabka ciraaq u qabaan ciidanka Shisheeye.

Faallooyin