Madaxweynihii hore ee Suudaan oo loo gacan galin doono Maxkamada ICC

Guddiga haya talada dalka Suudaan iyo mucaaradka ka dagaalama gobolka daafuur ayaa isku raacay in Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka ee ICC ay ka soo muuqdaan.

Heshiiska ayaa looga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Jubba, halkaasi oo labada dhinac ku yeesheen heshiis Nabadeed.

Guddiga haya talada Suudaan ayaa sidoo kale aqbalay in la maxkamadeeyo dhamaan saraakiisha dowladii hore ee loo heesto tacaddi bani aadanimo oo ka dhacay Daafuur.

Wadiiqada kaliya ee guusha aan ku gaari karno waa in cadaalada la marsiiyo kuwii geystay dhaawacyada kala duwan, mana aqbali doono in ay baxsadaan ayuu yiri Maxamed Xasan Al-Taciishi oo ka mid ah gudiga haya talada Suudaan.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin waqtiga ay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir loo gacan galin doono Maxkamada ICC.

Dhanka kale maxkamada danbiyada dagaalka oo baadi goob xoogan ugu jirtay Al-Bashiir ayaa ka hadlin Arintaan.

Faallooyin