Dowladaha Pakistan iyo Iiraan oo gaaray heshiis muhiim u ah labada Wadan

Dowlada Pakistan iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay dadaalo farsamo oo la xiriira hormarinta ganacsi ee u dhaxeysa labada Wadan.

Labada dal oo ood wadaag ayaa uga gol leh arintaan, sidii looga taqalusi lahaa ganacsiga sharci darrada ee liddiga ku ah Dhaqaalaha.

Burcad ka shaqeysata Gas-ka sharci darrada ah oo u dhashay Iiraan ayaa la aaminsan yahay in qiimo jaban ay ku geeyaan dalka Pakistan.

Arintaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah muwaadiniin u dhashay labada dhinac, waxaana arintaan cabasho xoogan muujiyay xukuumadaha Tehraan iyo Islamabad.

Si kastaba ha ahaatee heshiisyada labada dal ay gaareen ayaa sare u qaadi doona waaxyaha Canshuurta ee ku sugan xadka Pakistan iyo Iiraan.

Faallooyin