Mareykanka oo shaaciyay in Iiraan Qasaare xoogan u geysatay ciidankiisa ku sugan Ciraaq

Inkababan 100 askari oo ka tirsan Milatariga Mareykanka ayaa wali la dhibtoonaya dhaawacyo xoogan oo ka soo gaaray weerar bishii la soo dhaafay dowlada Iiraan ku qaaday saldhigyo ay kaga sugan yihiin dalka Ciraaq.

Warsaxaafadeed ka soo baxay waaxda difaaca Mareykanka isniintii shalay ayaa lagu sheegay in 109 askari wali laga dabiibayo dhaawacyo culus oo soo Gaaray.

Warka ayaa intaa ku daraya in 76 askari oo ka mid ahaa ciidankan ay hadda dib ugu laabteen Shaqada.

Hadalkan ayaa burinaya sheegashadii madaxweyne Donald Trump oo aheyd in duqeymaha Iiraan oo dhacay 8-dii bishii Janaayo ciidanka Mareykanka aysan waxyeelo ka soo Gaarin.

Carada ka dhalatay dilkii qorsheysnaa ee Mareykanka ku dilay taliyihii ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymaani ayaa keentay in dowlada Iiraan ay laba weerar ku qaado ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Faallooyin