Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay xero Milatari oo ku taal magaalada Kabul

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay kadib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday subaxnimadii hore ee talaadada maanta ah xero milatari oo ku taal caasimada Kabul.

Afhayeenka wasaarada amniga dalka Afghanistan Mr Nasraat Raxiimi ayaa xaqiijiyay in laba qof oo rayid ah iyo afar askari oo milatari ah ay ku Dhinteen.

Ismiidaaminta ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay 12 qof oo badi ahaa dad rayid ah sida uu tilmaamay Raxiimi.

Xerada la weeraray ayaa lagu magacaaba Marshal Fahim waana mid muhiim u ah howlaha kala duwan ee ciidanka Milatariga Afghanistan.

Qaraxa kadib ayaa goobta laga maqlay israsaaseyn xoogan oo dhaxmartay ciidanka amniga iyo nin hubeysan oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyay Weerarka.

Caasimada Kabul ayaa bilihii la soo dhaafay ka nabdoobeyd qaraxyada ay ka geysanayaan maleeshiyada Taalibaan.

Faallooyin