Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Ragii dilay Caasha Ilyaas

Shacabka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo dhaweeyay xukun qisaas ah lagu toogtay eedeysanayaal loo heestay dilka gabar 12 sano jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Caa'isho Ilyaas.

Dilka lagu toogtay Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, ayaa yimid kadib markii Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal iyo Maxkamada Racfaanka Puntland ay si isku mid ah ay isugu raaceen Xukunka.

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay xukunka eedeysanaha sadaxaad ee lagu magacaabo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, mudo ku asteysan 10 Maalin.

Arintaan ayaa waxaa codsaday aabaha dhalay Caa,isha oo lagu magacaabo Ilyaas Aaden.

Lama oga ilaa iyo hada sababta, balse Maxkamada ayaa dhamaantood ku xukuntay in la toogto kadib markii ay kufsi iyo dil isugu dareen gabadha Geeriyootay.

Falkaan oo dhacay sanadkii hore ayaa caro xoogan ku abuuray dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

Faallooyin