Shacabka Mandera oo qaban qaabinaya dibadbaxyo ka dhan ah maleeshiyada uu wato Cabdirashiid Janan

Shacabka ku dhaqan magaalada Mandera ayaa qaban qaabinaya kacdoon ka dhan ah maleeshiyada uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Mr Janan oo todobaad ka hor dowlada dhexe ay xaqiijisay in uu ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Kenya.

Mas,uulkan ka tirsan ismaamulka Jubbaland ayaa dabada ka riixaya duulaan uu doonayo in uu kula wareego magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyada Janan iyo ciidanka dowlada oo ka dhacay magaalada ayaa maalintii shalay waxaa ku dhintay dhowr qof oo ka mid ahaa shacabka magaalada Balad Xaawo.

Odayaasha magaalada oo la hadlay Universal ayaa yiri, ciidanka Janan waxay nabad iyo dani ugu jirtaa in ay isaga baxaan Mandera.

Balad xaawo iyo Mandera oo ah laba magaalo oo ku yaal xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga dhinacyo badan, sida ganacsiga iyo Waxbarashada.

Faallooyin