Dowlada Ruushka oo xukun adag ku riday shaqsiyaad damacsanaa weeraro Argagixiso

Maxkamad ku taal dalka Ruushka ayaa xabsi gaaray lix ilaa iyo sano ku xukuntay todoba xubnood oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xisbiga midigta ee mucaaradka ku ah Dowlada.

Waxaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro ka dhaca ruushka intii lagu guda jiray koobkii Aduunka ee sanadkii 2018-kii.

Xubnahaan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Network, ayaa doonayay in weerar ay ka geystaan magaalada Penza.

Si kastaba ha ahaatee eedeysanayaasha oo da'dooda u dhaxeyso 23 ilaa 31 sano jir ayaa diiday danbiga lagu soo oogay.

Iyaga oo hadal kooban ka jeedinayay Maxkamada ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Kremlin ka in uu ku xadgudbay intii ay xabsiga ku Jireen.

Dalka Ruushka ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo lagu qaaday xarumaha Dowlada.

Faallooyin