Askar ka tirsan Milatariga Turkiga oo lagu dilay dalka Suuriya

Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay milatariga Suuriya ku qaadeen fariisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib.

Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay Mashaqadaan.

Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidanka yagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta amaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada.

Sargaal u hadlay milatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin milatariga suuriya, ayna ku dileen 101 Askari.

Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga.

Faallooyin