Geerida Daniel Arap Moi oo murugu xasuus badan galisay Soomaalida Kenya

Shacabka ku dhaqan ismaamulka Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ee sheegay in ay dib u soo gocanayaan xasuuqii dadka badan lagu laayay ee sanadkii 1984-tii ka dhacay magaalada Wajeer.

Xasuustan oof wareenka ah ayaa ku soo aaday iyadoo maalinta talaadada ee barito la aasi doono hogaamiyihii maamulayay waqtigaas Kenya oo geeriyooday 4-tii bishan Febraayo.

Madaxweynihii labaad ee Kenya Denial Arap Moi ayaa lagu eedeeyay in uu lahaa amarka lagu laayay shan kun oo isugu jiray rag dumar iyo caruur aan waxba Galabsan.

Saraakiisha kala ah Bethuel Kiplagat iyo G G Kariuki, oo ka mid ah madaxda hogaamineysa ciidanka ayaa mudo laba maalin ah ku hayay dadkaan fagaaraha weyn ee Wagala.

Shacabka ayaa loo diiday labada maalin ee qoraxda iyo qabowga habeenkii lagu hayay raashinka iyo Biyaha, ka hor inta aan la xasuuqin maalintii Lixaad.

Maamulihii waqtigaas ee iskuulka hoose ee magaalada Wajeer mudane Bishaar Macalim ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka ay fasalka ugu tageen deetana ay Jirdileen.

Mr Bishaar ayaa intaa ku daray in dadka la laayay gawaarida xamuulka looga soo qaaday deegaanada ku teedsan magaalada Wajeer.

Xasuuqa oo dhacay 10-kii bishii febraayo sanadkii 1984-tii ayaa waxaa ka soo wareegtay mudo dhan 36 Sano.


Si kastaba ha ahaatee shacabka reer Wajeer oo qaarkood la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in ay soo gocanayaan mana jirto wax magdhow ah oo ay Heleen.


Faallooyin