Dowlada Shiinaha oo xaqiijisay in dad ajnabi ah ay u dhinteen Caabuqa Corona

Dowlada Shiinaha ayaa xaqiijisay isniinta maanta ah in dad ajaaniib ah oo ku sugan dalkaasi uu saameeyay caabuqa Corona kuwaasi oo laba ka mid ah ay u Geeriyoodeen maalmihii la soo Dhaafa.

Tani ayaa ka dhigan in dadka ku dhintay caabuqa oof wareenka ah ee ka taagan labadii bilood ee la soo dhaafay dalkaasi ay hada ku sii dhowdahay 1.000 Ruux.


Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha Mr Geng Shuang ayaa xaqiijiyay maanta in labada ruux ee ajnabiga ay u kala dhasheen Mareykanka iyo Japan.


Dhimashada gobolka Chin hada waxay mareysaa 900 boqol oo qof waxaa kale oo jira in 40,000 oo kale in guud ahaan dalka uu saameeyay caabuqa Corona ayuu yiri Diblumaasigan.


Caabuqa oo bishii December ahaa boqolkiiba 2 ayaa ku baahay magaalada Wahun ee caasimada gobolka Chin oo dadka ku nool lagu qiyaaso 11 Malyan.

Si kastaba ha ahaatee shaqaalaha dowlada iyo kuwa caadiga ah ayaa bilaabay in ay si aayar ah ay ugu laabtaan goobaha shaqada inkasta oo ay wali jirto cabsida laga qabo Cudurkaan.

Faallooyin