Ismaamulka Mandera oo sheegay in ay diyaar u aheyn marti galinta maleeshiyada duulaanka ku ah Baladxaawo

Barasaabka Ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyiga Bari Kenya ayaa ka hadlay maleeshiyo taabacsan wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka soo talaabay xadka Mandera iyo Baladxaawo.


Mudane Cali Ibraahim Rooba oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn hogaanka Mandera in ciidamo hubeysan ay ku sii sugnaadaan magaalada kuwaasi oo caqabad ku ah Amaanka.


Wuxuu ka dalbaday wasaarada amniga Kenya in ciidankan ay siiso magangalyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ee qaramada midoobay ama ay dib ugu laabtaan dalkooda oo uu ula jeeday Soomaaliya.


Hogaamiyaha ismaamulka Mandera ayaa dhanka kale tilmaamay in shacabka Mandera iyo Baladxaawo ay yihiin dad walaalo iyo ood wadaag ah ayna dan ugu jirin dagaal ka dhaca laba Dhinac.


Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa maalmihii ugu danbeeyay u hanqal taagayay in uu si rasmi ah ula wareego gacan ku heynta magaalada Beledxaawo oo ay la wareegeen ciidamo ka tirsan milatariga Dowlada.

Faallooyin