Maxkamad ku taal dalka Kenya oo xukun adag ku riday nin Jaad darii dil u Geestay

Nin da'diisa ay tahay 52 sano oo ku nool tuulada Muiro oo ka tirsan dagmada Gatundo ee bartamaha dalka Kenya ayaa lagu xakumay 30 sano oo xabsi ah kadib markii nin kale uu u dilay Khaad dartii sida ay xaqiijiyeen dacwad soo oogayaasha Kenya.

Falkaan oo dhacay bishii June ee sanadkii 2018-kii ayaa marqaatiyaasha waxay sheegeeen in Mr Severino Mbaka ay gacanta iskula tageen nin ka la dilay kadib markii lagu helay isaga oo Jaad ka xadaya Dukaankiisa.

iilka ninka la dilay oo da'diisa ay tahay 15 jir ayaa Maxkamada u sheegay in uu arkay aabihiis oo ay madaxa ka garaacayaan Dariskooda.

Ninkaan ayaa dhaawaca ka soo gaaray madaxa waxaa loola cararay waqtigaas isbitaalka degmada Gatundu ka hor inta uusan Geeriyoon.

Faallooyin