Bukaan looga shakiyay caabuqa Corona oo la dhigay Isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi

Nin rakaab ahaa oo looga shakiyay in uu qabo caabuqa ku dhaca neef mareenka ee ka dilaacay shiinaha oo loo yaqaan coronavirus ayaa la dhigay isbitaal Kenyatta ee magaalada Nairobi kadib markii xumad ay soo Wajahday.


Warsaxaafadeed ka soo baxay mas,uuliyiinta shirkada diyaaradaha Kenya ayaa xaqiijiyay in bukaankan uu u dhashay Kenya oo ka yimid talaadada maanta ah gobolka Guangzhou ee dalka Shiinaha.


Go,aanka ninka masaafurka ah lagu karantiilay ayaa waxaa soo saaray waaxda caafimaadka u xilsaaran garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.


Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaan caafimaadkiisa la soo hubiyay ka hor inta uusan ka soo duulin garoonka diyaaradaha magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha.


Muwaadiniinta Kenya ayaa walaac xoogan ka qaba cudurkaan halista ah in uu ka dilaaco dalkooda maadaama shaqaale iyo ganacsato badan oo u dhashay Shiinaha ay ku sugan yihiin Nairobi.

Faallooyin