Dowlada Iiraan oo hanjabaad hor leh u dirtay Milatariga Mareykanka

Taliyaha ciidanka kacaanka Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in saraakiisha Milatariga Mareykanka ay badbaadi doonin hadii Washington ay sii wado hanjabaada ka dhan ah saraakiisha Iiraan.

Mayjar Janaraal Xuseen Salaami ayaa hadalkaan ka jeediyay xarunta saraakiisha sare ee kacaanka Baasij isniinta Maanta.

Madaxda milatariga Mareykanka ma badbaadi doonaan waxaana ku beegsan doonaa meel walba ay dunida ka joogaan hadii ay isku dayaan in ay nagu soo xadgudbaan ayuu yiri Salami.

Hadalkaan ayaa jawaab u ahaa hanjabaad todobaadkii hore ka timid Dowlada Mareykanka oo aheyd in ay beegsan doonaan saraakiisha sare ee ciidanka kacaanka Iiraan.

2-dii bishan ayay aheyd markii dil qorsheysnaa uu Mareykanka ku dilay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani, oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad.

Amarka lagu dilay Suleymaani ayaa wuxuu ka soo baxay madaxweyne Donald Trump.

Faallooyin