Uk oo amar ku soo rogtay dadka ka soo laabanaya Shiinaha

Wasaarada caafimaadka UK ayaa ugu baaqday shaqsi kasta oo ka yimid gobolka Wahun ee dalka Shiinaha in uusan ka agdhowaan bulshada kale ee ku nool UK.

Ugu yaraan 73 qof ayaa wasaarada sheegtay in Isniinta maanta ah laga baaray caabuqa ka dilaacay shiinaha ee neef mareenka ku dhaca, balse laga Waayay.

Waxaan ku boorinaynaa dhamaan dadka ku sugnaa shiinaha labadii todobaad ee la soo dhaafay in aysan ku dhaxmilmin bulshada ka hor inta aan la baarin, sidaasi waxaa yiri wasiirka caafimaadka UK Mr Matt Hancock.


Caabuqa ku dhaca neef mareenka oo ah cudur ku cusub dunida ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 50 qof oo u dhashay shiinaha, iyadoo arintaan walaac ku abuurtay wadamada reer Galbeedka.

Dalalka Mareykanka Faransiiska iyo Australia ayaa todobaadkii hore dadka qaba cudurkaan laga helay kuwaasi oo asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha.

Faallooyin