Askar badan oo lagu laayay weerar ka dhacay xero Milatari oo ku taal dalka Yemen

Weerar xoogan oo lagu qaaday xero lagu tababaro ciidamada Milatariga oo ku taal Galbeedka dalka Yemen waxaana ku dhintay dhowr Askari halka boqol kale ay ku Dhaawacmeen.

Madaxweynaha Yemen ayaa ku eedeeyay weerarka ka dhacay magaalada Maqrib maleeshiyada xuutiyiinta waxaana uu ku hanjabay in ay ka aargudan Doonaan.

Saraakiil ka tirsan laamaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 73 qof lagu dilay weerarka kuwaasi oo salaad ku guda Jiray.

Shaki kuma taagna in weerarka ay ka danbeeyeen kooxda xuutiyiinta ayuu yiri madaxweyne Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. 

Faallooyin