Madaxda Ismaamulka Garissa oo wacad ku maray in ay la dagaalami doonaan Al-Shabaab

Kulan looga hadlayay ka hortagida weerarada Al-Shabaab ay ka geysaneyso gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka dhacay magaalada Garissa.

Waxaa goob joog ka ahaa hogaamiyeyaasha labada gole u matala Baarlamaanka Kenya Ismaamulka Garissa wakiilada golaha deegaanka culimo waxgarad qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha sare ee Amniga Garissa.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka hogaamiye ahaan ay talaabo u qaadi doonaan sidii wax loo qaban lahaa dhibaatada Al-Shabaab ay ku heyso Ismaamulada Garissa Wajer iyo Mandera.

Barasaabka Garissa Mudane Cali Bunow Qorane oo warsaxaafadeed soo saaray shirka kadib ayaa Universal u sheegay in ay la wadaagi doonaan waxyaabaha ay Isla garteen dowlada dhexe ee Kenya.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo shaqaale dowlada gaar ahaan Macalimiinta iyo dhaqaatiirta aan islaamka aheyn ay isaga carareen ismaamulada Garissa Wajer iyo Mandera.

Faallooyin