Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay weerar lagu qaado xarumaha shidaalka Liibiya

Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay iskudayada lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xarumaha shidaalka dalka Liibiya waxaana ay ugu baaqday dhinacyada diriraya in ay ka shaqeeyaan Xasiloonida.

Arintaan hadii ay sii socoto waxaa ka dhalan doona cawaaqib daran maadaama shacabka Liibiya ay ku tiirsan yihiin wax soo saarka iyo dhoofinta shidaalka ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Sabtida maanta xafiiska qaramada Midoobay ee Liibiya.


Digniintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Jarmalka uu marti galinayo shir looga hadlayo nabada oo ay ka qeyb galayaan dhinacyada isku haya dalka ku yaal waqooyiga Afrika.


Janaraalka maamula dhanka bariga oo lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ayaa ugu baaqay maleeshiyadiisa in weerar ay ku qaadaan deegaanada hodanka ku ah Saliida.


Mr Xaftar ayaa ku eedeeyay Turkiga in uu doonayo in uu boobo dhaqaalaha Liibiya.

Faallooyin