Dowlada Ciraaq oo si kulul uga hadashay hanjabaad uga timid Mareykanka

Dowlada Ciraaq ayaa gaashaanka u daruurtay hanjabaad cunaqabateyn ah oo kaga timid Mareykanka taasi oo la xiriirta qorshaha xukuumada Baqdaad ay ku dooneyso in ay ku soo iibsato gantaalaha difaaca Ruushka ee S-400.

Xildhibaan Cali Al-Qanmi oo ka tirsan guddiga difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay in Ciraaq ay u baahan tahay in Mareykanka uu cadeeyo go,aankiisa ku aadan Cunaqabateynta.

Wuxuu intaa ku daray in cadaadiska Washington ay ku dooneyso in dalkiisa ay ku saarto uu yahay mid ka fog Xaqiiqda.

Mas,uulkan ka tirsan xildhibaanada Ciraaq ayaa dhanka kale si aan cabsi laheyn u sheegay in aysan socon doonin hadii Mareykanka uu xayiraad dhaqaale ku soo rogo dalkan Carbeed.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta afka carabiga ku hadasha ee Baqdaad News.

Sida ku cad dastuurkeena waxaan xaq u leenahay in aan xoojino awoodeena difaaca iyadoo aan cidna kala tashan ayuu yiri xildhibaan Cali.

Baqdaad ayaa ku dhawaaqday todobaadkii hore in ay soo iibsaneyso gantaalaha difaaca kadib dil qorsheysaa oo magaalada Baqdaad Mareykanka ugu geestay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani.

Maamulka Donald Trump ayaa kaga digay in Ciraaq ay soo iibsato gantaalaha uu farsameeyay Ruushka hadii kale ay la kulmi doonto xayiraad Dhaqaale. 

Faallooyin