Dad rayid ah oo lagu laayay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Suuriya

Ugu yaraan 21 ruux ayaa lagu dilay kadib duqeyn ka dhacday gobolka Idlib oo wali ay heestaan Mucaaradka Suuriya.

Duqeyntaan ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Suuriya iyo kuwa Ruushka oo Isgarabsanaya.

Heshiis cusub oo xabad joojin oo ay dabada ka riixayaan Turkiga iyo Ruushka oo la doonayay in uu ka dhaqan galo gobolka Idlib maalintii Axada ayaa u muuqda mid fashilmay maadaama wali duqeynta ay sii Socoto.

Hey,ada difaaca Rayidka Suuriya ee loo White Helmets ayaa sheegtay in duqeyntii shalay lala beegsaday suuq lagu Iibiyo qudaarta iyo dukaamo ku yaal magaalada Cariixa.

Afhayeenka hey,ada difaaca dadka rayidka Mr Axmed Shiikh ayaa xaqiijiyay in 19 ka ruux ay ku sugnaayeen suuqa Qudaarta.

Faallooyin