Xarumaha Waxbarashada ee gobolka waqooyi Bari Kenya oo qarka u saaran in Albaabada la isugu Laabo

Tirada dadka ku dhimanaya weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan gobolka waqooyiga bari ee Kenya ayaa kordhay taasi oo walaac ku abuurtay soomaalida Gobolkaasi.

Saameynta ugu daran ee arintaan ka dhalatay ayaa waxaa ka mid xarumaha waxbarashada gaar ahaan iskuulada kadib markii macalimiinta ay shalay ku dhawaaqeen shaqo Joojin.

Arintaan ayaa loo aaneynayaa weerarada ururka Al-Shabaab oo kordhay tan iyo bishii December ee sanadkii Hore.


Xarumaha caafimaadka iyo saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in 25 qof lagu dilay inkabadan 10 weerar oo ka dhacay waqooyi bari iyo gobolka xeebta Kenya.

Dhibanayaasha la dilay ayaa 7 ka mid ah waxay ahaayeen arday iyo macalimiin ku sugnaa iskuulo ku yaal degmooyinka Fafi iyo Dadab waxaana weeraradan ay ahaayeen kuwii ugu danbeeyay ee dhacay bishan Janaayo.

Hogaamiyeyaasha gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ku eedeeyay wasaarada amniga in ay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.

Mudane Wakiilka golaha deegaanka u matala ismaamulka Garissa waaxda Nanighi oo mudane Xasan Cabdi oo la hadlay Universal ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay hubeyso dadweynaha hadii aysan ka difaaci karin weerada Argagixisada.

Faallooyin