Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay in cashar uu u dhigi doono Mucaaradka Liibiya

Dowlada Turkiga ayaa canbaareysay burburka ku yimid wadahadalo la doonayay in xal nabadeed looga gaaro colaada ka taagan dalka Liibiya.

War ka soo baxay madaxweyne Recap Tayyib Erdogan ayaa wuxuu digniin u diray hogaamiyaha mucaaradka Janaraal Khaliifa Haftar.

Mr Erdogan ayaa tilmaamay hadii maleeshiyada ku sugan bariga ay isku dayaan weerar ka dhan ah magaalada Tripoli ciidanka Turkiga ay cashar u dhigi Doonaan.

Waxaa diyaar u nahay dowlad ahaan in aa ka shaqeyn nabada walaalaha yaga Liibiya, mana ogolaan doono dagaal sokeeye in uu sii socdo ayuu yiri Erdogan.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii Khaliifa Haftar oo ah janaraal howlgabay uu diiday in saxiixo waan waan nabadeed oo dhinacyada Liibiya ku dagaalamaya loogu qabtay magaalada Moscow.

Faallooyin