Macalimiinta Soomaalida aan aheyn oo go,aan ka qaatay ka shaqeynta Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Qaar ka mid ah barayaasha ku dhaqan magaalada Garissa ayaa ka codsaday waaxda shaqaaleysiisa macalimiinta ee loo yaqaan TSC in ay badalaad ku sameyso kadib weerarkii xalay lagu laayay macalimiinta ee ka dhacay deegaanka Kamuthe oo qiyaastii 25 kiilo mitir u jirta magaaladatan Garissa.


Macalimiintan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin hada wixii ka danbeeya weerarada ka dhacay gobolka waxaana ay ka dalbadeen dowlada in ay u wareejiso gobolada.


Dabley la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay abaara 2:30 daqiiqo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi waxaana ay dabqabadsiiyeen sidoo kale saldhigga ciidanka booliska ka hor inta aysan burburin birta shirkada isgaarsiinta Safaricom.


Go,aanka ay macalimiinta ku sheegeen in aysan ku laaban doonin iskuulada ayaa rajo beel ku abuuri doona da'yarta soomaalida ee leh mustaqbalka Waxbarasho.

Faallooyin